Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay inuu u aarayo askar Alshabaab ka laysay

Uganda-(Berberanews)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 askari oo ka mid ah ciidamada dalkiisa lagu dilay weerar ay 26 May 2023 dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Buula-mareer oo 130km dhinaca koonfur-galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada dalka Ugandha ay ka soo aarsan doonaan weerarkaas Al-shabaab ee dhimashada badan u gaystay ciidankiisa ku sugan Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa iyaguna dhinacooda hore u sheegay inay weerarkaas ku dileen 137 askari, isla markaana ay hub iyo gaadiid ciidan oo badan ka qabsadeen saldhigaas ay weerareen ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose.