Erdoğan oo loo dhaariyay Madaxweynaha Turkiga

ANKARA- -(Berberanews)-Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sabtidii  loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynihii 12-aad ee Jamhuuriyada Turkiga.

Madax sare ah oo ka kala socda 78 wadan ayaa ka qeyb galay xafladii dhaarinta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Munaasabadda caleema saarka oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galaya 21 Madaxweyne, 13 Ra’iisul Wasaare, iyo sidoo kale wakiilo heer Baarlamaan iyo heer wasiir ah, iyo wakiilo ka socda Hay’ado caalami ah oo ay ku jiraan OTS, NATO iyo Ururka Midowga Yurub. Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Madaxweyne Erdogan ayaa caawa la filayaa inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd Axadii lasoo dhaafay isagoo helay 52.18% codadkii la dhiibtay. Musharaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa helay 47.82%, marka loo eego natiijada kama dambaysta ah ee uu soo saaray golaha sare ee doorashada dalka.