Kuma ayuu Ahaa Gaashaanle Sare Goohe Iidaan Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Hargeysa?

Allah ha u naxariistee, waxa maanta magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyey Gaashaanle Sare Yuusuf Iidan Huruwaa (Goohe Iidaan) oo shalay geeriyooday.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonayahan, Saraakiil Ciidan, Madax-dhaqameed iyo Dadweyne tiro badan ayaa ka qayb-galay aaska Marxuumka oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska la shaqeeya Guddiga Doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan Xaruntooda Hargeysa.

Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada, ayaa ka hadlay Shaqsiyadii Marxuumka.