Somaliland oo ka hadashay weerar argagixiso fashilmay oo lala damacsanaa Sool

Hageysa-(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in ay dhinteen 2 ka mid ah 6 nin argagixiso ah oo doonayey inay miinooyin iyo qaraxyo ka fuliyaan deegaanno ka tirsan, kadib markii ay si lama filaan ah ugu qarxeen qarxiyayaal ay rabeen inay weerarka ku fuliyaan saacadihii dambe ee xalay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka u caddaynayso in ciidankeedu fashiliyeen dhagarta koox argagixiso ah 3:00 habeennimo ee xalay.

“Sida ay sheegayso xogtii ugu dambaysay ee aannu helnay 6 qof oo ka tirsan kooxaha argagixisada, kuwaas oo maagganaa weerar ismiidaamin ah ayey walxihii ay siteen ku qarxeen tuulada Sii-xawle. Tuuladini waxay ku taal tuulooyinka Yagoori iyo Samakaab dhexdooda ee Gobolka Sool, waxayna waxyar u jirtaa Laascaanood.”

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in 2 ka mid ah raggii weerarka soo maleegay isla goobtaas ku nafwaayeen, halka 4tii kalena u suurtogashay in ay baxsadaan, waxayna intaa ku dartay in dhacdadani ay caddayn u tahay in koox argagixiso ah maleegayso qorshe ka dhan ah nabadda Somaliland.

Qoraalka waxa lagu xusay in ciidammada Somaliland ay yihiin qaar foojigan oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada argagixisada, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda Somaliland.

Ciidanka millateriga Somaliland ee ku sugan deegaankaas ayaa soo bandhigay walxo ay sheegeen inay siteen kooxdii maleegayey weerarka argagixiso ee fashilmay.