Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Garaadada reer Sool iyo qodobadda laga wadahadlay

Muqdisho  – (Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay maanta qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo Muqdisho tagay shalay.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay Isimada dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale ku celiyey baaqii dawladdiisa ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay magaalada Laascaanood, kaas oo salka ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay dawladda Federaalku inay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka SSC ayaa bogaadiyey mowqifka xukuumadda federaalka ee Sool iyo Sanaag.
Waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka, kuwaas oo ka dhashay dagaalka.