Recep Tayyip Erdogan oo ku guulaustay doorashadii ku-celiska ahayd ee Turkey

Istanbul, Turkey – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ku guuleystay doorashada, sida ay sheegayaan xog aan rasmi ahayn oo ay leedahay wakaaladda dowladda ee Anadolu Agency, wareeggii labaad ee doorashada oo ahaa mid xamaasad leh, kaddib markii uu ku guuldareystay inuu helo in ka badan 50 boqolkiiba codadkii loo baahnaa si uu ugu guuleysto wareega koowaad ee May 14.

Boqolkiiba 97 ee sanaadiiqda cod bixinta ayaa la sheegay in Erdogan uu helay 52.1 boqolkiiba codadka wareegii labaad ee doorashada Axadii maanta, isagoo ka guuleystay Kemal Kilicdaroglu oo la tartamayay, kaasoo helay 47.9 boqolkiiba.
Golaha sare ee rasmiga ah ee doorashada ayaan wali xaqiijin natiijada.

Codbixintu waxay xaqiijinaysaa booska Erdogan ee taariikhda isagoo ku kordhinaya 20 sano ee xukunka shan sano oo kale.

Iyadoo guusha Erdogan ay u muuqatay mid dhameystiran, dad badan ayaa u soo baxay madaxtooyada Ankara si ay u sugaan khudbadiisa dabaaldega.

Erdogan waxa uu ka soo muuqday bannaanka hoyga uu ka deggan yahay Istanbul ee Uskudar, halkaas oo uu ku heesay ka hor inta uusan u mahadcelin dadweyne aad u jecel.
“Waxaan soo gabagabeynay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimo annagoo raali ka ah dadkeena,” ayuu yidhi Erdogan. “Insha allah waxaan noqon doonaa mid mudnaan siiya kalsoonidaada sidii aan ku jirnay 21-kii sano ee la soo dhaafay.”

Waxa uu intaa ku daray in dhammaan 85 milyan oo muwaadiniin ah oo dalku ay ahaayeen “guulaystayaashii” labadii wareeg ee codbixineed ee May 14 iyo May 28.