Koox ka mid ah Garaadada reer Sool oo ka degay Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Isimada dhaqanka SSC ee gaadhay magaalada Muqdisho ayaa kala ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi, Garaad Cabrisaaq Garaad Soofe, Garaad Cabdisalan Xasan Maxamed iyo Suldaan Mustafe Maxamuud Awsee.
Waxa Madaarka Muqdisho ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dawladda Fedaraalka oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, gudoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare Cabdillaahi Timocadde, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada.

Warar xogogaal ah ayaa tibaaxay in ujeeddada safarka Muqdisho ee Isimada SSC salka ku hayo deeqaha Beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya sidii qaybtooda toos loogu wareejin lahaa guddiga SSC.