Saylici oo la kulmay xubno baarlamaanka Findland ah

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL iyo waftigii uu hogaaminayey ee safarka shaqo ku marayey dalalka qaaradda Yurub ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Finland.

Kulankan ayaa lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya qadiyadda Somaliland oo ay ka mid tahay nidaamka dawladeed ee Somaliland kajira iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in Somaliland ay dunida ka hesho aqoonsi buuxa.

Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqay Dawladda Finland oo Somaliland la leh wadashaqayn wanaagsan, siiba dhinacyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada.