Maxay tahay Dacwadda laga gudbiyay madaxweynaha Turkiga?

Ninka ay is hayaan madaxweynaha Turkiga ayaa dacwad ka gudbiyey madaxweyne Erdogan, wuxuuna ku eedeynayaa inuu sii daayey fiidiyow ololihiisa ku jira oo lagula xidhiidhinayo mintidiinta Kurdiyiinta.

“Dacwad ayaan ka gudbinay si loogu qabsado fiidiyow been abuur ah” ayuu yiri qareenka Kemal Kilicdaroglu, Celal Celik.
Markan wuxuu Kilicdaroglu dalbanayaa in la khasiro Erdogan lacag gaaraysa hal malyan oo Liire oo u dhiganta $50,000.

Erdogan ayaa si isdaba joog ah wuxuu ololihiisa uga sii deynayey fiidiyow lagula xidhiidhinyo Kilicdaroglu taliyaha ciidanka kooxda kurdiyiinta (PKK).

Fiidiyowga ayaa gudbinaya muuqaalka taliyaha PKK oo ay u muuqato inuu taageerayo ololaha mucaaradka.