Badheedhihii Agaasimaha Cusub iyo Baanistii Agaasimaha La Beddelay Oo Wax-qabad Lagu Majeertay

Agaasimaha Guud ee Cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim, ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii Guud ee Hore Mukhtaar Cabdi Quule oo muddo laba sanno ku dhow xilka hayey.

Munaasibad ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo ku qabsoontay xarunta Baanka Dhexe, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe, Agaasime waaxeedyada iyo Guddiga Sare ee Baanka Dhexe, Xildhibaanno, masuuliyiin ka socday hay’adaha Maaliyadeed ee dalka, shaqaalaha Baanka Dhexe iyo marti-sharaf kale.