Ethiopia oo soo bandhigtay khasaaraha kaga baxay dagaalkii Tigrai

Ethiopia-(Berberanews)-Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii mudada labada sano ah ka socday gobolka Tigray, kaas oo dhinacyadii uu dagaalku ka dhaxeeyay ay dhawaan heshiiyeen.

Haddaba Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Axmed Shide Maxamed oo warbixinta 9ka biilood ka horjeediyay Gudida qorsheynta miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay dagaalkii gobolka Tigray ku khasaartay lacag dhan 1.5 Tiriliyar oo Birr una dhiganta 22 bilyan oo Dollar, taas oo u dhiganta 20.4 boqolkiiba wax soosaarka guud ee dalka Itoobiya.

Wasiirku waxa uu xusay in khasaarahaas ay ka baxsan tahay lacagaha toos loogu shubay dagaalka, iyo qiyaastii dadkii ku geeriyooday dagaalkaas kuwaas oo aan wali tiro sugan lagu ogaan, balse dadka ku nool goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ayaa waxaa soo gaartay saamayn dhinacyo kala duwan ah, dadkaas saamayntu soo gaadhay waxaa la ogaaday inay gaarayaan ilaa 3 milyan oo qof.

Dhinaca kale Wasiir Axmed Shide waxa uu sheegay inay ku talo jiraan sidii khasaarahaas looga soo kaban lahaa, isla markaana dib u dhis loogu samayn lahaa gobolka Tigray, oo si ba’an ugu burburay dagaalladii degaankaas ka socday mudada dheer.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli laga dayrinayo dhaqaalaha dalka Itoobiya oo la sheegay inuu hoos u dhacay, sababo la xiriira dagaalladii uu dalku ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay,  waxa kale oo jirtay in sicir barar baahsan uu saameeyay guud ahaan dalka Itoobiya, kaas oo ka qayb qaatay dhaqaalo burbur ku yimaadda dalka Itoobiya, iyadoo lacagtii birta ee dalka Itoobiyana ay marba marka xigta hoos u dhacayso.