Ciidanka Qaranka oo jawaab culus ka bixiyey hoobiye huwantu ku soo rideen saaka

Baroorta iyo Oohinta Oo isqabaatey Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe maanta

Hargeusa-(Berberanews)’Saaka Subaxdii ayaa Ciidamada Huwanta iyo Argagaxisada Oo iskaashanayaa Ciidamada Somaliland kusoo bilaabeen Hoobiye iyoTuuryadii ay ku caanka ahaayeen .

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa jawaabtey ka bixiyeen Argagaxisadii iyo Huwantii ku Noqotey Mahadho iyo dhabana hays ay marwalba kala kulmaan jab ka daran kii hore.

Ciidanka Qaranka oo aan ilaa hada weerar iyo Gaadmo iyo hujuun midna ku qaadin ayaa marwalba le gacanta sareysa.
Jawaabtii Ciidanka qaranka ee Saaka waxay Sahaytey 54 dhimasho ah Oo isugu jira Argagaxiso iyo Huwan kuwaasi oo maanta maydkoodii xataa qaar kamida hilbahooda lakala garanwaayey markii ay haleeleen madaafiicda Ciidanka qaranku ku  rideen dhaawaca huwanta ayaa hadda lagu sheegay inuu yahay 208 dhaawaca kuwaasi oo badankoodu yihiin kuwo halisa ah

Dhaawacyo badan ayaa loola yaacay dhanka Garoowe kuwaas oo aad moodo inay tahriib ku galaan magaaladaas balse   waxa dhexda kusii qudhbaxay iyadoon Garoowe la gaadhsiin 9 ka mid ah argagaxisada iyo Huwanta.

Jabka maanta gaadhay xaga Tuknikada waxa laga gubay 2 Laba Tikniko ah iyaga iyo wixiisaarnaana aan halqof ka bixin .

Dhirbaaxada Ciidanka Qaranku marwalba cadawga soo duulay ugeysto waa mid aanay mahadin Argagaxisda iyo Huwantu marwalbana guuldarro ku gabal dhacsada.

Xogta warka weriye Nimcaan Dagaal oo ku sugan jiidda hore ee Goojacadde