Ciidammada Qaranka Somaliland oo Dhirbaaxo Kulul ku Dhuftay Huwanta  Laascaanood

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland
Laascaanood-18-05-2023-(Berberanews)-Fadhiisimadda Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Laascaanood ku sugan waxa maanta weerar qorshaysan ku soo qaaday Ciidammada Huwanta ah ee is garabsanaya ee Maamulka Puntland-Soomaaliya, Kooxaha argagixisada ah iyo kuwa degaanka ee la khalday.

Ciidammada Qaranka Somaliland oo ay maanta u ahayd maalin ay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la qaataan Dabbaal-degga la soo Noqoshada Madaxbannaanida Qarannimada Somaliland ee 18 May ee 32aad lagana xusayey maanta dhammaan gobolada dalka, balse fadhiisimada ciidamada Qaranka ee ku sugan aagga Goojacadde oo ah gobolka Sool oo xuska Sannad Guurada 32aad ee 18 May oo la qaadanayey shacbigooda dareenka maalintanay ay u leedahay ciroole iyo carruurba ayaa waxa subaxnimadii hore ee saaka weerar qorshaysan ku soo qaaday ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah Galbeedka magaalada ee Xargaga, Bariga Magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer  iyaga oo ku danbeeya jab iyo firxad.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Soomaaliland