Burco-17-05-2023-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Burco iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, waxaanu u mahadnaqay dhammaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isagoo madaxwaynuhu ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday geesiyaashii ciidamada Qaranka ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala danbeeyey ee Laascaanood, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, dawladduna u hurayso wax walba oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, isla-markaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.
Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa.
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843212944175517826328609516827.jpg?resize=696%2C476&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843212997604296082477495277253.jpg?resize=300%2C198&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213052982742216883069819318.jpg?resize=300%2C191&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_1684321311819819132071663747597.jpg?resize=300%2C210&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213167397417582438790220068.jpg?resize=300%2C211&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213225362995506618241043340.jpg?resize=300%2C188&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213289302576241723876260571.jpg?resize=300%2C190&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213338556563876366522129245.jpg?resize=300%2C163&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213388184658359161469025131.jpg?resize=300%2C181&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213464704300323513434209866.jpg?resize=300%2C188&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213490457916085569909739739.jpg?resize=300%2C206&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213545211248844615648840671.jpg?resize=300%2C198&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213610134647811493596450164.jpg?resize=300%2C205&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213674581350559323835921688.jpg?resize=300%2C192&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_16843213713676773621217451551574.jpg?resize=300%2C200&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.berberanews.net/wp-content/uploads/2023/05/fb_img_1684321374962558213810154034365.jpg?resize=300%2C197&ssl=1)