Guddoomiyaha WADDANI oo ka hadlay xuska 18 May iyo ka qaybgalka xisbigooda

“Xisbiga WADDANI, wuxuu u taagan yahay ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, taas oo ku timi talo-wadaagga iyo rabitaanka dadka”

Maalinta 18 May 2023, waxa ay ku beegan tahay sannad-guurada 32aad ee la-soo-noqoshada Qarannimada Somaliland, taas oo ay dadka Somaliland 18kii May 1991 ku yagleeleen dawladnimadan maanta 32 jirsatay, iyada oo uu saldhig u ahaa heshiiskii midnimada degaannada iyo dadka reer Somaliland ee ku shiray magaalada Burco, halkaas oo ay ergooyinkii si wadajir ah uga soo saareen baaqii aasaaska Qarannimada Somaliland, 5tii May 1991.

Xisbiga WADDANI, wuxuu u taagan yahay ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, taas oo ku timi talo-wadaagga iyo rabitaanka dadka, kuna sii jiri karta talo-wadaagga iyo rabitaanka dadka, waxaannu Xisbigu ka soo horjeedaa dhammaan wixii xadgudub ah, weji kasta oo ay leeyihiin iyo in shiqaaqooyinka iyo colaadaha abuurma loo adeegsado xoog iyo ismuquunin.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo ciidammada Qaranka meel kasta oo ay joogaan, waxaanu dhammaan taageerayaasha Xisbiga farayaa in qof kasta xuska maalinta qarannimada uu maamuuso ama uga qaybqaato sida ugu habboon ee uu awoodo, mana jiro sharci innagu khasbaya in aan ka soo xaadirno munaasabadaha iyo xafladaha ay caado ahaan xukuumaddu qabto, qof kastana waxa u bannaan in uu ka maqnaado ama ka qaybgalo munaasabadahaas haddii la siiyo milgaha iyo maamuuska Qarrannimo ee Xisbiga WADDANI ka mudan yahay goobtaas.
Xisbiga WADDANI, wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo colaadda Laascaanood ka aloosan iyo shiqaaqooyinka ay ugu dambaysay tan maanta iyo shalay ka taagan Degmada Qabri-gorod iyo degaannada kale, oo dhammaantood ku yimi siyaasad-xumada iyo qorshe la’aanta xukuumadda talada haysa, waxana uu Xisbigu ugu baaqayaa nabad iyo wadahadal, iyada oo laga baaqsan karayay dhibaatada lexaadka leh ee dhacday iyo dhiigga badan ee daatay.

Dhammaan dadka reer Somaliland, waxa inoo ballan ah: ilaalinta dhaqanka, anshaxa guud iyo diinteenna suubban, isku-haynta dadka & dalka iyo sidii aynnu u xaqiijin lahayn Rejada Shacabka! Waad mahadsan tihiin.