Turkiga oo laysku mari waayay Doorashada balse 28-ka May ayaa lagu kala baxaya

ANKARA —(Berberanews)-Turkiga ayaa u jiheystey doorasho ku celis ah kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii axadii. madaxa guddiga doorashada qaranka Ahmet Yener ku dhawaaqay maanta oo Isniintii ah.

Dadka u soo baxay doorashada Axaddii ayaa ahaa 88.92%, iyad oo muwaadiniinta Turkiga ee doorashada u soo baxay ay ahaayeen 52.69%, ayuu yidhi Yener.

Erdogaan oo ah musharaxa wadajirka ah ee Isbahaysiga Shacabka iyo ninka ay aadka isugu dhow yihiin ee Kemal Kilicdaroglu oo ah guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Jamhuuriga (CHP) ahna musharaxa wadajirka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee lixda xisbi ee Nation Alliance ayaa isku arki doona wareegga labaad oo dhici doonta 28 bishan May.

Erdogan ayaa wareegii koowaad ku soo baxay 49.51% codadkii la dhiibtay, halka Kilicdaroglu uu helay 44.88%, ayuu yidhi Yener.

Sinan Ogan oo ka tirsan Isbahaysiga ATA Alliance ayaa helay 5.17%, halka Muharrem Ince, oo isaga hadhay tartanka madaxtinimada dabayaaqadii todobaadkii hore ka dib markii hore loo daabacay codadka, uu helay 0.44%, ayuu Yener ku daray.

Malaayiin codbixiyeyaal ah ayaa Axadii u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha dalka iyo xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 600 oo kursi.