Erdogan: Aad baanu uga horraynaa codbixinta

Turkey-(Berberanews)’Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu aad uga horreeyo Kilicdaroglu doorashada madaxtinimo, inkastoo aanu hubin guushiisa wareegii koowaad. Erdogan, oo ka hadlayay xarunta xisbigiisa ee Ankara, ayaa sheegay in 2.6 milyan oo cod uu kaga horeeyo musharraxa mucaaradka ugu weyn.

“Nolosheenna siyaasadeed oo dhan, iyada oo aan laga tegayn, waxaan had iyo jeer ixtiraamaya go’aanka rabitaanka qaranka.  sidoo kale Doorashadan waanu ixtiraamaynaa,  doorashooyinka soo socdana waanu ixtiraamaynaa,” ayuu yidhi.

Erdogan waxa kale oo uu sheegay in uu filayo in tiradani ay kor u kacdo natiijada rasmiga ah, isaga oo intaa ku daray:
“Waxa aanu rumaysanahay in aanu ku guulaysan doono wareega hore”.