Khatarta Maayadda kala-go’an ‘Rip currents’

Maayadaha kala‐go’an ( Rip currents) ee xilliga xagaaga ka samaysma xeeliga hore ee badda, in badan oo innaga mid ahi kuma baraarugsana, waana mid ka mid ah khataraha ugu badan ee badda ka dhaca. Sannad kastana gallaafta nolosha  boqolaal qof.

Maayadda kala‐go’ani  waxay samaysantaa marka mawjaddu si xoog leh ugu jabto xeeliga hoore ee badda, halkaas oo biyiihii hore ee xeeliga iyo biyaha cusub ee mawjadaha isdaba socoda isku biiraan; ka dibna waxay sameeyan maayad kala-go’an oo dib badda ugu noqota, iyada oo ku socota xawaare aad u sarreeya oo lagu qiyaaso halkii ilbidhiqsiba ilaa 1 mitir, iyada oo xawaaraha maayadda kala-go’ani  sii koordho markasta oo xawaaraha hirarka sare ee biyuhu sii kordhaan. 

Arrinka khatarta ah ee aan rabo inaan idin la wadaago, nuxurka qoraalkana kusoo koobo ayaa ah, qofkii ka ag dhawaada ama se dhex gala waxay si dhakhso ah uga qaadda  xeeliga hore ee ‘ DADKA BADANKOODU MOODAN IN AY MEEL GAABAN TAHAY’ waxayna gaysaa bad weynta iyada oo markasta oo hirarka sare ee baddu soo jaban; xawaaraheedu kordho ,sidaana uu qofku ku hafto, naftiisana ku waayo!
Sanad kasta maayaddani waxay galaafata nolosha 50,000 oo qof sida u xaqiijiyay maamulka badweynadda iyo hawada qaranka ee dalka Maraykanka. National Oceanic and Atmospheric Administration’s Of US (NOAA) 

Qofku maka badbaadi karaa maayadda kala-go’an?

Badana qofku marka uu dhex galo maayaddan waxa uu isku dayaa, in uu xagga xeeliga usoo cararo, se tani faa’iido buuran malaha; kaliya waxay lumisaa tamarta—hadda u fiirso waa tamartii aad la-kacaa-kufi-lahayd si aad u badbaaddo!  Ha u soo cararin xagga xeeliga, ee u dabbaalo xagga hore adiga oo si degdeg ugu weecanaya labadaada dhinac mid ahaan, midig ama bidix ka dibna si qunyar ah u soo dabaalo dhanka xeeliga badda.

Xogtan iyo xogo kale oo ku saabsan khataraha badda xilliga xagaaga, booqo oo ka dhugo bogga rasmiga ah ee ‘National Oceanic and Atmospheric Administration’s (NOAA)

W/Q Cabdiqani A. Ciid