Maxkamadda Ciidanka oo dil ku Xukuntay Askari dil ka geystay Gobolka Salal

Awdal-(Berberanews)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Galbeed ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Axmed Cabdi Cabdillaahi oo dilay Marxuum khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ee Gobolka Salal.