Guddoomiyaha Guurtida S/land oo si adag uga hadlay colaadda Laascaanood iyo wadahadallada Soomaaliya

Hargeysa  -(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay colaadda Laascaanood, wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xaaladda guud ee dalka.
Guddoomiye Saleebaan oo hadal ka jeediyey furitaanka
Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guurtida oo maanta furmay, ayaa ugu horreyn xildhibaannada uga xog-warramay colaadda Laascaanood, isagoo caddeeyey in xukuumadda iyo golayaasha qaranku diyaar u yihiin in wadahadal nabadeed oo lagu xallinayo xaaladda Laascaanood.
Hase yeeshee waxa uu ku eedeeyey Garaadada Gobolka Sool inay diideen wax wadahadal nabadeed ah oo arrinta Laascaanood lagala galo, waxaannu mudanayaasha u soo jeediyey in aan laga daalin in markasta Garaadada laga dalbado in ay oggolaadaan wadahadal nabadeed.
Sidoo kale, Guddoomiye Saleebaan waxa uu ka hadlay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu guddi u magacaabay.

Waxa uu sheegay in mar walba ay ka socon waayaan wadahadalladu dhinaca Soomaaliya oo ay iyagu ka baxaan, waxaannu ka codsaday maamulka Muqdisho inuu marka hore la fuliyo wixii hore loogu heshiiyey si loo helo wadahadal midha-dhal noqda.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Guurtida  Somaliland waxa uu ka hadlay madax-dhaqameed ka socda dalka Soomaaliya oo dhowaan la kulmay shirguddoonka golihiisa, kuwaas oo u socday xallinta xaaladda dagaal ee Laascaanood, waxaannu sheegay inay maanta ka sugayaan go’aan Garaadada Laascaanood, kaas oo ah inay wadahadal nabadeed la furayaan dawladda Somaliland iyo in kale, waxaannu Ilaahay ka baryey inuu go’aan wanaagsan waafijiyo Garaadada.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu ku wargeliyey xildhibaannada in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u jeedin doono Khudbadda Dastuuriga labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada berri Isniinta, waxaannu ku adkeeyey mudanayaasha in ay goor hore yimaaddaan xarunta Baarlamaanka haddii Alle idmo.