Taiwan oo qalab iyo siidh ugu deeqday Beeralayda Gobolka Gabilay

Hargeysa(Berberanews) – Safaaradda Dawladda Taiwan ee Somaliland oo Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL kala shaqaysa Horumarinta Beeraha, ayaa Iskaashatooyinka Beeraha ee Gobolka Gabiley u qaybisay Qalab muhiim u ah wax-soo-saarka Beeraha.

Waaxda Beeraha ee Safaaradda Taiwan, ayaa Afar Iskaashato oo ka mid ah Beeralayda deegaannada Arabsiyo, Agamsaha, Huluuq iyo Ceel-giniiseed u qaybiyey 90 Taangi, 90 Tuumbooyinka Waraabka Beeraha iyo noocyo kala duwan oo Siidh ah.

Taangiyada ayaa waxa la socda Tuumbooyinka Waraabka oo gaadhaya illaa 45 Mitir iyo qalabkii lagu rakibayey.

Munaasibadda Taiwan ku bixisay Siidhka iyo  qalabka kale, ayaa goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, gaar ahaan Waaxda Cilmi-baadhista oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Waaxdaasi Axmed Nuur.

Qalabkan oo muhiim u ah Horumarinta Wax soo-saarka Beeralayda Somaliland, ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Beeruhu waxay uga Mahad-celiyeen Dawladda Taiwan.

Waxa xusid mudan, In Beeralayda loo qaybiyey Qalabkan ay Tababbar siiyeen khuburrada Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, kuwaasi oo sidoo kale ku Wacyigeliyey inay ka faa’idaystaan Qalabkan, daryeelaan isla-markaana dhowrtaan, si ay Muddo dheer u Munaafacaadsadaan.