Faysal Cali-waraabe oo ku hanjabay inuu Muqdisho iska dhiibi doono

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng  Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay ku hanjabay inuu Muqdisho ka degi doono haddii Madaxweynaha Somaliland isku dayo wadahadal aan lagala tashan uu la dawladda Soomaaliya xilligan.

Eng Faysal oo waraysi siiyey laanta afka Soomaaliga Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wadahadal la gasho cidna, waxaannu si adag uga soo horjeestay inay waqtigan dib u bilaabaan wadahadalladii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Soomaaliya.
Waxa uu intaas ku daray, in markii hore ee Somaliland wadahadallada la furtay Soomaaliya ay saddexda xisbi qaran ka heshiiyeen, kadibna baarlamaanka loo gudbiyey, sidaasna ay maqaam dawladeed la tageen madashii wadahadallada Soomaaliya.
“Markii aan 2012kii wadahadallada bilaabaynay waxay martay habraac, saddexda xisbi baa ku heshiiyey in arrintaas la galo, kadib baarlamaanka ayaa la geeyey, baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal, intaas kadibna waxaan la tagnay maqaam qaran oo la isku wada faaqsan yahay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey sidii ay ku soo bilowdeen wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in aanay jirin wax “hoos hoos u dhacaya,” sidaas darteedna aannu oggolaanayn heshiis aanay waxba ka ogeyn, “maantana waxa weeye, ma dhaceyso wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland dhexmari kara.”
  “Kow Somaliland qalalaase ay ku jirtaa, mid dagaal bay ku jirtaa mid siyaasadeed bay ku jirtaa… madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal oo sababeynayey waxa uu ku diidayo wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland xilligan oo ku tilmaamay mid xasaasi ah.