Madaxweyne Xasan oo saluugay hanaanka siyaasadeed ee Puntland

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, xilli ay soo dhawdahay doorashada madaxtinnimo ee maamulkaas.

Xidhiidhka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xumaa tan iyo markii la soo dhisay xukuumadda Federaalka ee haatan jirta.

“Puntland waa deegaan Soomaaliyeed, raali kama ihin dadkaas in uu nidaamka ka dumo iyo in ay is dilaan, laakiin ifafaalaha muuqda mid wanaagsan ma aha. Madaxda Puntland waxaan leenahay, dadka iyo rabitaankooda tixgeliya,“ ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlayay masaajidka madaxtooyada.

Waxa uu intaa raaciyay in dowlad dhiska ka socday Puntland 24-kii sano ee la soo dhaafay uu hadda khatar wajahayo, maadaama maamulka Deni iyo mucaaradkiisa ay ku heshiin la‘ yihiin hannaanka doorashada.

Madaxweynaha ayaa u muuqday mid saluugsan nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee uu hirgeliyay maamulka Deni, isagoo ku tilmaamay mid aan loo dhameyn.

“Doorashada qofka iyo codka ah horay ayaa Puntland loogu tibaabiyay oo dadka haddii aanay raali ka ahayn, lama marin karo,“ ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.