Fatahaado 50 qof ku dilay deegaanka Somalida Itoobiya

JIGJIGA — (Berberanews)-Fatahaad ka dhalatay roobka gu’ga oo xiligan ka da’aya deegaanka Soomaalida oo webiyada buux-dhaafiyeen ayaa khasaaro naf iyo maalba isugu jirta waxa ay u geysteen dadka ku dhaqan dhulka webiyada ku dhow.

Fatahaadda waxaa ku geeriyooday dad ay tiradoodu 50 ku dhowdahay, waxaana ku baro-kacay in kabadan 40 kun oo qoys, halka ay sidoo kale ku nafwaayeen xoolo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 19 kun oo neef. Daadadkan ayaa sidoo kale baabi’iyay dalaggii beeraha.

Warbixintan waxaa Jigjiga kasoo diray weriyaheena Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa

Halkan ka dhegayso