Alshaab oo goob fagaare ah ku toogtay shan qof oo shacab ah

Somalia-(Berberanews)-Kooxda Alshabaab ayaa Degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ku toogtay shan ruux oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen basaasiin la shaqeynaayay Sirdoonada dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Mid ka mid ah shanta qof ee toogashada lagu fuliyay ayay kooxda Al-shabaab sheegtay inuu qirtay inuu masuul ka ahaa dilka hogaamiye sare oo ka tirsana kooxda oo la dilay bishii June sanadkii 2016-kii, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Dulyadeyn oo ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda Maraykanka.

Maxamed Dulyadeyn ayaa la sheegay inuu ahaa masakaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii ee lagu dilay 148 ruux iyo weeraro kale oo ka dhacay gobolka Waqooyi bari Kenya.

Kooxda Alshabaab ayaa inta badan goobo fagaare ah ki toogta dad ay sheegaan inay basaaseen si ay u cabsi geliyaan shacabka.