Somaliland oo ka hor timi qorshe Somalia iyo iyo QM iska kaashanayaan

Hargeysa-(Berberanews)-Somaliland ayaa sheegtay inaanu khusayn tiro-koob ay iska kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo Somalia,kaasoo la sheegay in laga samaynayo dalkii laysku odhan jiray Somalia.

Somaliland ayaa xustay inaanay marna qayb ka ahayn tiro-koobkaas oo ay leedahay xuduudo calaamadsan, islamarkaana Somaliland dowlad ahayd Somalia.

Sidaana waxa lagu sheegay qodobo ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Biixi.

“In aanay Qaranka Somaliland khusaynin  Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduudeheeda Afarta Jahana ay cad yihiin, waana xuduudo caalami ah.  Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure).”

Berberanews.net