Isku day dil oo lala beegsaday Putin iyo Diyaarado lagu weeraray Kremlin-ka

Rusia-(Berberanews)-Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay isku dayday inay disho madaxweyne Vladimir Putin iyadoo u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u beegsato hoyga uu ka deggan yahay Kremlin ee bardhamaha Moscow.

Xafiiska madaxtooyada ayaa sheegay in difaacyadu ay soo rideen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

Afhayeen u hadlay Mr Putin ayaa sheegay in hogaamiyaha Ruushka uusan ku sugneyn xaruntaas waqtigaas.
Muuqaalo aan la xaqiijin oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa u muuqday inay muujinayaan shay dul heehaabaya Kremlin-ka ka hor inta uusan dhicin qarax yar.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyay in dalkiisa uu ka dambeeyay.

Ruushka ayaa sheegay in labada diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee badhtilmaameedsaday Kremlin – oo ah xarunta looga taliyo dalka oo ku taal badhtamaha Moscow – ay soo rideen iyagoo isticmaalaya qalab radar oo elektaroonik ah.

Mid ka mid ah muuqaalada baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka kor baxaya dhismaha , halka mid kalena uu qarax yar ka muuqday meel ka sarraysa dhismaha Senetka ee Kremlin-ka.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Ruushka ayaa lagu yidhi: “Xalay, taliska Kyiv ayaa isku dayay in uu weerar ka fuliyo guriga Kremlin-ka ee uu degan yahay madaxweynaha Ruushka, iyaga oo wata gaadiid aan duuliye lahayn.”