Garaad Jaamac oo markii ugu horreysay codsi baryo ah u diray Somaliland

Garoowe  -(Berberanews)-Garaadka Guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa markii ugu horreysay ka baryey dawladda Somaliland in ay ciidankeeda kala baxdo degaannada beeshiisa, intà dagaallo dad kale oo badan ku dhintaan.

“Ciidammada Somaliland waxaan ugu baaqayaa intii xabaalaha dushooda laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo raggu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheennu isku dhiman, dhiiggeennu isku bixin, guryihiinna ku noqda,” ayuu yidhi Garaad Cali oo khudbad ka jeediyey magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland xalay.
Waxa uu intaas ku daray
in aanay Somaliland kaga daba tagi doonin meel ka baxsan degaannada SSC, laakiin keliya ay ka rabaan inay dhulkooda uga baxaan.
Hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali oo si weyn ugu suntan hurinta iyo abaabulka colaadda Laascaanood, ayaa u muuqda niyad-jab muujinaysa inuu quus ka joogo qorshihii dagaal ee u hoggaaminayey iyo rajadii uu ka qabay malleeshiyaadka huwantu xoog kaga saaraan ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland degaannada Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood.