Sudan oo lagu rasaaeeyay Diyaarad Turkigu leeyay oo u socotay daad-gureyn

Sudan-(Berberanews)-Diyaarad kuwa daad gureyn ah oo Turkiga leeyahay ayaa lagu rasaaseeyay Suudaan maalinimadii Jimcaha, iyada oo ciidanka Suudaan ay sheegteen in ay mas’uul ka ahaayeen kooxda Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jirta.

Diyaaradda ayaa ku degeysay garoonka Wadi Seyidna ee waqooyiga magaalada Khartoum, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in muwaadiniinta Turkiga looga soo daad gureeyo dalka ay colaaduhu aafeeyeen.

Wasaaradda difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in diyaarada C-130 lagu soo riday hub fudud. Ciidamada Suudaan ayaa horay u sheegay in xubin ka mid ah shaqaalihii la socday diyaaradda uu ku dhaawacmay shilkaas, islamarkaana uu burburay taangigii shidaalka.

Balse wasaaradda difaaca Turkiga ayaa markii dambe sheegtay in aanay jirin cid wax ku noqotay. “Diyaaraddeennu waxay si nabad ah ku degtay. In kasta oo aanay jirin dhaawacyo soo gaadhay shaqaalaheenna, hubinta lagama maarmaanka ah ayaa sidoo kale lagu sameeyaa diyaaradaheena, “ayaa lagu yidhi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ankara ay ku wargelisay ciidanka iyo RSF labadaba ka hor intaanay bilaabin hawsheeda daadgureynta hawada.