Siciid Deni oo Somalia ku dhaliilay qaabka ay u waajahday dagaalka Laascaanood

Puntland-(Berberanews)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaabka ay u wajahday colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

“Dowladda federaalka ah masuulliyadii ka saarnayd Laascaanood iyo Sool way gabtay, umay dhaqmin sidii Dowlad Sonnaaliyeed oo gacantaa u laaban. Waxaan u rajaynayaa inay iska furto oo dadka  badbaadadiisa  qayb ka ahaato.” Ayuu yidhi Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlay magaalada garoowe.

Dhanka kalena waxaa uu farriin u diray Somaliland.

Halkan ka dhegayso hadalka Siciid Deni

Madaxweyne Deni