Qaramada Midoobay oo laga dalbaday in Somalia laga qaado cunaqabatay hubka

Kampala-(Berberanews)-Madaxda waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tixgeliyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni.

Kadib kulan ay ku yeesheen caasimadda Uganda ee Kampala ayaa war murtiyeed ay soo saareen ay ku muujiyey in ka bixitaankii ciidamada ATMIS aan jadwalka waxba iska beddelin.

Madaxda ayaa ku heshiiyey nidaamka ay Soomaaliya uga bixin lahaayeen ilaa 2 kun oo askari oo ATMIS ah bisha Juun, iyo in la diyaariyo bixitaanka ciidamo kale oo 3 kun ah oo la filayo inay Soomaaliya ka baxaan sannadkan, bixitaankaas oo ay sheegeen in loo baahan yahay in qiimayn degdeg ah lagu sameeyo, yadoo la tixgelinayo xaaladda gudaha ee Soomaaliya.

“Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u fidiyaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xasilloonida Soomaaliya, waxayna ugu baaqeynaa Golaha in uu ka fiirsado qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si ay awood ugu yeelato in ay qaadato mas’uuliyadda amniga” ayaa lagu yiri bayaankaa shir-madaxeedkii Kampala, kaas oo ay ka qeyb galeen madaxweynaya Uganda Yoweri Museni, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Kenya Willima Ruto, madaxweynaha Soomaaliyaa Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Burunid Evariste Ndayishimiye iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen.

Madaxda ayaa sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada saadka ee la siinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ‘lana kordhiyo baaxadda si ay uga tarjumto xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta goobta.’

@Voa