Midowga Yurub oo 4.5 Milyan ku maalgelinaya deegaanno laga saaray Alshabaab

Bbc-(Berberanews)-Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro.

Mashruucani ayaa looggu talagalay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray ururka Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa siinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Waxaa kolka koowaad lagu bilaabayaa magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal.