Baanka Somaliland Oo digniin u diray 31 Sarrifle oo Khiyaamo Ganacsi sameeyay

Hargeysa-(Berberanews)-Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa wareegto uu manta soo saaray waxa uu digniin kama dambays ah ugu diray Qaar ka mid ah Sarrifleyaasha ka ganacsada Isku-beddelka Lacagta Shilinka iyo Dollar-ka laga dhex-isticmaalo adeegyada Zaad iyo E-dahab.


Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sarrifleyaasha ku eedeeyey inay kala dhantaaleen Adeegga Sarrifka lacagaha, iyagoo Iska xannibay Gacanta Dambe ee Sarrifka oo ah marka Qofku doonayo inuu Shilinka Somaliland ku iibsado Lacag Dollar.
Sarrifleyaasha digniinta loo diray oo magacyadooda lagu xusay Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha baanka Dhexe, ayaa ka kooban 31 Sarrifle oo dhammaantood lagu socodsiiyey digniinta Baanka Dhexe oo lagu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono haddii ay u hoggaansami waayaan go’aankan.
Hoos Kaga Bogo Wareegtada Ka soo baxda Baanka Dhexe ee Somaliland