Dhegayso Xaaladda Ardayda Somaliyeed ee ku go’doonsan Dagaalka Sudan

Sudan-(VOA)-Dagaalka Sudan ayaa Sabtida maanta ah galay toddobaadkii labaad iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada janaraallada dalkaasi xukumayay ay ku dhinteen boqolaal ayna kumannaan kale ku dhaawacmeen.

Xalay ayaa waxaa joogsaday qaraxyada xooggan ee maalmihii la soo dhaafay magaalada ka socday, laakin dagaalka ayaa dib u qarxay maanta.

Haddaba, waa sidee xaaladda magaalada Khartoum iyo ardayda Soomaalida ah ee wali ku sugan magaaladaasi. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa ka wareystay Cabdiraxmaan Isxaaq Shangax, oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee ku nool Khartoum.