Raila Odinga oo sheegay inay bannaanbaxyo bilaabayaan bacda Ramadan

NAIROBI —(Berberanews)-Mucaraadka Kenya ayaa Khamiistii ku dhowaaqay in dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda ay dib u billaabmi doonaan kadib bisha barakeysan Ramadan, inkasta oo uu jiro heshiis wadahadal oo ay kula jiraan xisbiga talada haya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka ka qeyb-galay kulan ka dhacay caasimadda, ayaa sheegay in waqtiga dib u billaabashada dibad-baxyada lagu dhowaaqi doono kadib Ramadaanka oo la filayo inuu dhammaado Jimcaha soo aadan.

Waxaa la qorsheeyey dibadbax ka dhacaya barxadda taariikhiga ah ee Kamukunji ee caasimadda, halkaasi oo nidaamka xisbiyada badan looga dhowaaqay sagaashamaadkii.

Mucaaradka ayaa horey dibadbaxyada u agaasimay laba jeer toddobaadkii, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar qof, islamarkaana horseeday in la xiro ganacsiyada faras magaalaha.

Intii ay socdeen dibad-baxyada, macbadyo ku yaalla deegaanka uu ku xooggan yahay Odinga ee Kibera iyo hanti ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa dab la qabadsiiyey.

Dibadbaxyada ayaa looga dan lahaa in dowladda lagu cadaadiyo inay hoos u dhigto sare u kaca qiimaha nolosha iyo in guddiga doorashada ay dib u furaan kombuyuuterada doorashada 2022, oo mucaaradka ay diideen inay aqbalaan natiijadeeda.

Madaxweyne William Rut, oo la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashooyinkaas, ayaa khudbad uu jeediyey 2-dii April wuxuu ku booriyey mucaaradka inay joojiyaan dibadbaxyada, ayna ogolaadaan wadahadallada.

Odinga ayaa kadib hakiyey dibadbaxyada, waxaana labada dhinac ay magacaabeen koox siyaasiyiin ah, kuwaasi oo eegaya arrimaha ay soo jeediyeen mucaaradka.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa maalmihii dhowaa ku eedeeyey dowladda inaysan ka go’neyn islamarkaana dhab ka aheyn wadahadallada, ayaga oo su’aalo ka keenay shaqsiyaadka ay soo magacaabeen xisbiga talada haya oo ay ku jiraan xubno horey uga soo goostay mucaaradka.

Odinga ayaa hadda sheegaya in dibadbaxyada ay garab socon doonaan wadahadallada.

Mucaaradka ayaa ku baaqaya in wadahadallada ay ka qeyb galaan saamileyda kale sida bulshada rayidka, hase yeeshee xisbiga talada haya ayaa ku adkeysanaya in hanaankan uu noqdo mid baarlaamaani ah.

Safiirada reer galbeedka iyo kooxaha bulshada rayidka ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo wadahadallo intii ay socdeen dibadbaxyada.

AP