Xiisad ka dhex abuurantay Somaliland iyo China oo isweydaarsaday cambaarayn

Hargeysa-(Berberanews)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in Shiinuhu u wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyada Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda oo lagu baahiyay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xusay in ay Somaliland garab taagan tahay Taiwan oo ah dal Dimuqraadiya.

Dhankiisana, Danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya Somalia, ayaa si cadho leh uga jawaabay taageerada Somaliland u muujisay Taiwan, isagoo ku eedeeyay inay Somaliland samaysatay xuduud aan jirin.

Safiirkan ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay in la sameeyo meel aan xuduud ahayn.

Isaga oo hadalkiisa raaciyey ” Dadka garaadka lihi guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan”

Xiisaddan ayaa kusoo beegantay xilli uu Shiinuhu hawl gal wado meel aan ka fogayn Biyaha gacanka Taiwan isla markaana laga baqe qabo in uu weerar ku qaado.

Berberanews.net