Dowladda Ethiopia oo bandoo kusoo rogtay Gobolka Amxaarada

Ethiopia-(Berberanews)-Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka Isniintii.

Bajaakta ayaa laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan dibadda laga bilaabo 6 subaxnimo ilaa 8 galabnimo War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada maamulka magaalada Gonder.

Waxay intaas ku dartay in baararka iyo meelaha lagu caweeyo laga mamnuucay inay furnaadaan wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo Bandowgan ayaa lagu soo rogay mudaaharaadyo socday todobaadkii hore kuwaas oo ka bilaabmay magaalooyinka gobolka Axmaarada oo lagaga soo horjeedo qorshe ay dawladda federaalku ku doonayso in “hubka ka dhigista ciidamada gaarka ah ee gobolka.

Tan ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay in la sameeyo hannaan amni oo adag oo midaysan.