Xoghayaha Qaramada Midoobay oo booqasho ku tegay Somalia

Muqdisho-(Berberanews)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud waxaa garoonka Aden Adde International Airport kusoo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse iyo Ku-Simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho.

Guterres ayaa markiiba loo galbiyey madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo uu ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada mas’uul ay yeesheen wadahadallo midho-dhal ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud booqashada taariikhiga ah iyo garab-istaagga xilli Soomaaliya ay la tacaalayso caqabadaha dhinaca bani’aadminnimada iyo dardargelinta dagaalka argagixisada, sida lagu qoray barta twitterka ee madaxtooyada.

Xoghayaha Guud ayaa ugu baaqay waddamada deeqda bixiya inay kor u qaadaan gargaarka Soomaaliya, waxana uu sheegay in codsigii dhaqaale ee la sameeyey haatan la helay 15%.

Guterres ayaa ka filayaa inuu ka hadlo arrimaha abaaraha isla markaana uu booqdo dadka barakacayaasha ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu booqasho ku tegey magaalada Baydhaba isaga oo booqday goobaha dadka barakacayaasha ah