Wasiir Toorno oo xilka ka qaaday Guddoomiyii Imtixaannadka iyo Daauud oo ku gacan saydhay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Toorno, ayaa sheegay inuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Sonaliland Daauud Axmed Faarax oo xilka hayay ku dhawaad 30 sano.

Wasiirka Waxbarashadu waxaa uu sheegay inuu xilkaas u magacaabay Cabdiqaadir Cabdillaahi Jaamac.

Haseyeeshee, Gudoomiye Daa’uud Maxamed Faarax ayaa gabi ahaan ba diiday xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Wasiir Toorno.

Gudoomiye Daauud waxa uu ii sheegay in xafiiska imtixaanaadku uu ka madax banaan yahay wasaarada waxbarashada sidaa awgeedna aanuu aqbalaynin talaabada uu qaaday wasiir Toorno.

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale ii xaqiijiyay in cida kaliya ee uu ka war sugayaa uu yahay Madaxwayne Biixi.

Berberanews.net
Berberanews@gmail.com