Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia oo ansixiyay Qorshaha kala dirista Ciidanka

Jigjiga-(Berberanews)-Golaha wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo oo qaybta ka ah qaab dhismeedka amniga qaranka dalkaas.

Shirka 12-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada deegaanka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan sida la isu waafajinayo qaab dhismeedka amniga qaranka iyo tan dowlad deegaannada.

Deegaanka Soomaalida ayaana sidaa uga mid noqday dowlad deegaannada ansixiyey qaab dhismeedka la doonayo in ciidamada Liyuu Booliska oo kuwa Soomaalida ay ka mid yihiin loo sameeyo.

Warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska nabadgalyada DDS waxaa lagu sheegay, ‘dib- u-habeynta ciidanka lagu sameynayo iney ahayn mid baabi’inaysa ama meesha ka saaraysa cududdii jirtay balse ay tahay mid wax ka baddalaysa qaab-dhismeedka, ciidamaddi jirayna ay sii jirayaan iyagoo wax is baddal ah  ku imanayn mushaharkooda, tasiilaadka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga ee ka saaran deegaanka.

Dib-u-habeenytani maaha mid xidhiidh la leh xuquuqaha dastuuriga ah ee ismaamulka deegaannada maaddaama marka dib loo habeeyana ay wali sii hoos tagayaan deegaankii awal maamuli jiray.