Shan qof oo lagu toogtay dalka Maraykanka

LOUISVILLE —(Berberanews)-Shan qof ayaa lagu dilay, lix kalena isbitalka ayaa la dhigay, toogasho ka dhacday dhisme bangi oo ku yaalla magaalada Louisville, gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen booliska.

Madaxa Waaxda Booliska Louisville Paul Humphrey ayaa weriyayaasha u sheegay in saraakiil gaadhay goobta “ay la kulmeen toogasho halkaas ka socotay.”

“Qofka toogashada fuliyey waxaa la xaqiijiyey inuu isla goobta ku dhintay,” ayuu yidhi Humphrey. “Weli ma cadda xaaladda dhabta ah ee ku gadaaman dhimashadiisa.”

Goobjoogeyaal kasoo baxay dhismaha ayaa u sheegay taleefishinka WHAS-TV ee fadhigiisu yahay Louisville inay rasaas ka maqlayeen gudaha dhismaha.

Baabuur boolis oo dhowr ah ayaa lagu arkayey banaanka dhismaha. Weriyayaasha Taleefishinka WHAS ayaa sheegay inay jireen dad goobta looga qaaday baabuurta gurmadka deg degga ah.

Badhasaabka gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa qoraal uu twitter soo dhigay ku sheegay inuu ku wajahnaa goobta.

“Fadlan u duceeya dhammaan qoysaska ay dhacdadan saameysay ee magaalada Louisville,” ayuu yidh Beshear.

Hay’adda dambi baadhista Mareykanka ee FBI ayaa sidoo kale sheegtay in xubno ka tirsan ay ka jawaabeen toogashada.

Toogashada ayaa ka dhacday dhisme ku yaalla waddada East Main, oo uu ku dhex yaallo Old National Bank, kana fogeyn garoonka Louisville Slugger Field iyo Waterfront Park.

AP