Khasaaraha ka dhashay hoobiyayaal lagu weeraray Wasiir ka tirsan Somalia

Muqdisho-(Berberanews)-inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay  hoobiyayaal caawa lagu weeraray guriga Wasiirka Batroolka Soomaaliya, xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya eevmagaalada Muqdisho.

Labada qof ayaa mid ka mid ahi ahaaa askarta ilaalada u ah Wasiirka halka qofka labaadna la sheegay inuu shacab yahay.

Weerarka ayaa kusoo beegmay xilli dowladdu sheegtay inay ka mamnuucday Muqdisho in lagu dhex sito qoryaha nuucyadooda kala duwan iyo gaadiid ciidan oo aan shaqo ku jirin.
Dhacdadan ayaa muujineysa xaaladda amni ee Muqdisho, iyadoo Al-Shabaab ay u suurtagashay in ay qalqal galiyaan amamanka magaalada.

Weerarkan ayaa yimi wakhti Dowladda Soomaaliya ay Alshabaab kula jirto dagaal ay ku sheegatay inay dhul baaxad leh ka saartay balse tallaabadaasi ma joojin hoobiyayaasha Alshabaab ku weerarto caasimadda dowladda.