Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo kulamo la yeeshay Jaamacadaha Sucuudiga

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo uu weheliyo u qaybsanaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradaasi , Mudane Axmed Shariif ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah  Jaamacadaha dalka Sacuudiga

Wasiirka Waxbarashadda iyo Xubnaha Waftigiisa oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Dalka Sacuudiga  ayaa Jaamacadahaasi ay kulamada la qaateen waxa ka mid ahayd Jaamacadda Tiknoolajiga ee Sacuudi Carabia oo wasaaraddu ay March 2020 kula heshiisay in laan ama farac jaamacaddaasi ka mid ah laga furo Somaliland, iyadoo maalgelinta caalamiga ah lagu dhisayo faraca jaamacaddaasi Hargeysa ku yeelanayso,hase ahaatee, Aafadii  COVID19 awgeed ayuu higsigaasi u hirgeli waayay.

Iyada oo laga shidaal qaadanayo heshiiskaasi hore ayaa waxay labadda dhinac isla qaateen in la sii ambaqaado heshiiskii mandi’iga ahaa ee la gaadhay 2020 sidii loo fulin lahaa.

Waxaana lagu sheegay warka kasoo baxay kulanka labada dhinac ee Wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo Jaamacada Technology-yada Dalka Sacuudi Arabia in dhawaan uu dalka Somaliland iman doono wafti ka socda Jaamacadda Technology oo wax weyn ka tari baahida iyo horumarinta xirfadaha farsamadda gacanta ee Somaliland.