Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho ka mamnuucay hubka iyo gaadiidka dagaal

MUQDISHO —(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu dhex wato hub culus iyo gaadiidka dagaalka, oo ay inta badan isticmaalaan siyaasiyiinta, madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa hadal uu ka jeediyay Masjid ku yaalla madaxtooyada waxa uu ku sheegay in ciddii amaradaasi jebisaa lala xisaabtami doono.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan diyaariyay.

Halkan ka dhegayso