Paul Kagame: 23 sano oo madaxweyne ahaa ka dib wuxuu noqon doonaa suxufi

Rwanda-(Berberanews)-Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu shaqada ka fadhiisto oo uu xilka wareejiyo ka dib 23 sano oo uu xilka hayay.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu dhiggiisa Kenya, William Ruto ku qabtay caasimadda Rwanda ee Kigali, ayuu Mr Kagame sheegay in qorshaha is-daba-joogga ah ay si firfircoon uga hadlayaan xisbiga talada haya, isagoo ku tilmaamay hawlgabnimadiisa mid aan laga fursan karin.

Mr Kagame ayaa sheegay in aany daneyneynin in uu doorto qofka badali doona balse uu doonayo in uu abuuro jawi dhalin kara dad wax hogaamin kara.

“Xisbigayaga talada haya ilaa 2010 ayaanu wada-hadalkan ku yeelanaynay, laakiin duruufaha, caqabadaha iyo taariikhda Ruwaanda ayaa u janjeedha waxyaalaha qaarkood,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in hawlgabnimadiisa ay tahay arrin ay tahay in laga hadlo “horeyso ama ha danbayso”. “Waan hubaa in maalin maalmaha ka mid ah laga yaabo in aan ku biiro saxaafadda aniga oo da’ weyn, taas aad ayaan u rajeynayaa,” ayuu yidhi Mr Kagame.

Hadalkiisa ayaa imaanaya maalmo kadib markii xisbiga talada haya ee Rwandan Patriotic Front (RPF-Inkotanyi), ay doorteen haweeneydii ugu horeysay ee gudoomiye ku xigeen.

Madaxweyne Kagame ayaa sii xajistay jagada guddoomiyenimada.
Waxa uu xisbiga hogaaminayay ilaa 1998-kii. Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee Mr Kagame uu ka hadlo hawlgabnimada.

Bishii Disembar 2022, wuxuu sheegay aanu wax dhib ah kala kulmin inuu noqdo muwaadin caadi ah.

Mr Kagame waxa uu madaxweyne ka ahaa dalkan Bariga Afrika tan iyo 2000. Afti muran dhalisay oo dhacday 2015-kii ayaa meesha ka saartay xaddidaadda dastuuriga ah ee labada xilli ee madaxweyneyaasha.

Madaxweynaha ayaa sanadkii hore u sheegay mid ka mid ah TV-yada Faransiiska inuu mar kale isu soo taagi doono xilka madaxtinimada doorashada soo socota ee 2024-ka.