Dowladda Chad oo cafiday kooxdii dishay madaxweyne Idriss Deby

Chad-(Berberanews)-Dowladda Chad ayaa sheegtay in ay cafis u fidisay 380 ka mid ah fallaagada dalkaasi, kuwaasi oo muddo xabsi daa’in ah ugu xukunnaa geeridii madaxweynihii hore ee dalkaasi Idriss Deby.

Waxaa la dilay labo sano ka hor ka dib markii uu tegay jiidda hore si uu ula dagaallamo fallaagada kooxda loo yaqaan Front for Change iyo Concord ee Chad.

Bishii March in ka badan 400 oo fallaago ah ayaa lagu xukumay maxkamad wadareed oo lagu soo oogay falal argagixiso, askaraynta carruurta iyo inay weerareen madaxa dawladda.

Inta badan waxaa cafis u fidiyay wiil uu dhalay madaxweynihii hore – Mahamat Idriss Déby – oo xilka la wareegay geeridii aabbihii ka dib.

Cafiskaasi ma khusayn hogaamiyaha fallaagada Mahamat Mahdi Ali oo baxsad ku jira.