Bam gacmeed lagu weeraray Goob ganacsi oo ku taal Boosaaso

Boosaaso-(Berberanews)-:Dablay hubaysan ayaa xalay Bam-gacmeedyo ku weeraray goob Ganacsi oo ku taala magaalada Boosaso Gobolka Bari ee maamul-goboleedka Puntland,

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah oo ilaalo ka ahaa Goobta ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday falka lagu weeraray Xarunta Ganacsi ee Macruuf.

Wararka ayaa sheegaya in Bam-gacmeedyada lagu Weeraray Goobta Ganacsi uu ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Goobta la weeraray oo la yidhaahdo Macruuf Supermarket ayaa xiligaan lagu mashquulsan yahay daminta dab xoogan oo la rumaysan yahay inuu ka dhashay bam gacmeedka lagu tuuray.

Laamaha amaanka iyo maamulka goobta ganacsi ayaan weli wax  Faah faahin ah ka bixin weerarka lagu qaaday goobtan Ganacsi.