Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo ku geeriyooday Turkey

Turkey-(Berberanews)-Alle Ha unaxariisto waxaa saaka geeriyooday Siyaasi Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buuba)oo Mudooyi kii udanbeeyey Xaalad Caafimaad u jiifay Dalka turkiga.

Ismaaciil Maxamuud Hurre [Buubaa]; wuxuu dhashay 1943?) waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, badhtamihii 2006 ilaa horraantii 2007. Waxaa xilkaas loo magacaabay August 21, 2006.

Waxa uu horay u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda 2000 ilaa 2002, bilowgii dawladda ku meel gaadhka ah.

Marxuum Buubaa ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Jamhuuriyadda Somaliland isagoo si weyna u aaminsanaa Midnimada Somalia oo uu siyaasadeeda ku dhex jiray.

Alla Samir iyo Iiman ha ka siiyo Shacbiga Reer Somaliland,ehladiisii qoyskiisa iyo asxaabtii uu ka geeritoodayba.