“Waxa dhawaan la soo celin doonaa xasiloonida magaalada Laascaanood.” Wasiirka gaashaandhigga

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Amniga Deeganada Gobolka Sool iyo Xuduudaha Somaliland.

War Qoraal ah oo uh ku baahiyay Bartiisa Twitter-ka Caawa Fiidkii Wasiirka Difaaca Jamhuuriyada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateye ayuu ku yidhi,

“Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ayaa si buuxda gacanta ugu haya amniga Deeganadaas iyo ka Xuduudahayaga.

Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadkii, waxaana dhawaan la soo celin doonaa xasiloonida magaalada Laascaanood.”