Muqdisho: Qarax sababay dhaawaca saddex ruux

MUQDISHO —(Berberanews)-Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay saddex qof ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay agagaarka xarunta dambi-baadhista ee CID ee Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhshay gaadhi xamuulka qaada oo ka mid ahaa kolonyo ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ka tirsan, gaar ahaan qaybtooda Burundi.

Qarax ka dhex dhashay babauurka ayaa sababay dab gaadhiga qabsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 qof oo shacab ahaa oo goobta ka ag dhawaa kuwaasi oo gubasho ay soo gaadhay, sida ay sheegeen booliiska.

Booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay gurmad u fidiyeen, ayna soo socoto baadhis ku saabsan waxa sababay qaraxa.